Soomalia Ku Xiran Magaalada Bangkok ee Dalka Thailand

0

Dowladda Thailand ayaa loogu baaqay in ay siideyso dad magangalyo doon ah kuwaa oo kasoo kala jeeda dalalka soomaaliya iyo  Pakistan oo tiradooda lagu sheegay 35 qofood oo 10 caruur ah ay kamid yihiin.

Dadkan magan galyo doonka ah oo rag, haweeen iyo caruur isugu jira ayaa heestay documentyo ay siisay  hay’adda qaramada midoobay  u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR kuwaa oo ciidamada booliiska magaalada Bangkok ay xabsiga u taxeeebeen  intii u dhaxeesay 21 october iyo 31-october, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha.

19 caruur ah iyo afar qof oo soomaali ah kuwaa oo dadka xabsiga la dhigay kamid ah ayaa lagu eedeeyay in ay Fiisooyin qaldan ay ku joogeen dalka Thailand.

Amy Smith oo ah agaasimaha hay’ad fadhigeedu yahay dalka mareykanka oo u dooda xuquuqda aadanaha waxa ay dowlada Thailand si deg deg ah kaga codsatay sii deynta dadkaasi iyadoo sheegtay in lagu xad gudbay xuquuqda ay la haayeen dadkan magan galyo raadiska ah ee booliisku ay qabteen.

Waxaana ay intaasi ku dartay in dadkani ay ka soo firxadeen wadamaddooda iyadoo sheegtay in aysan u dulqaadan Karin dhibaatooyinka ay kula kaceyso dowlada Thailand.

Balse xukuumada Bangkok  waxa ay diiday in lakala saaro xuquuqda muhaajiriinta sharci darrada ah iyo qaxootiga iyagoo in sanado ah suga warqad aqoonsi ah oo hay’adda qaxootiga qaramada midoobay  ee UNHCR ay bixiso.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here