Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaasi iney xaadiraan Furumaha Dagaalka oo ay bulshada la kheybsadaan Dhibaatada.
Axmed Madoobe oo Xildhinbaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland Xalay Casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Xildhibanada kasoo Jeeda deegaanadaasi iney Qarashaadkooda ku bixiyaan Dagaalka Adag Ee lagula jiro Islaamiyiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.
“Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe
Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa ugu sugan Magaalada Muqdisho shirka wadatashiga Khilaafaadka Dowlada Dhaxe iyo Maamul Gobaleedyada Ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.





