Ugu yaraan hal Ruux ayaa dhintay sedax qof oo shacab ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor’imaad xooggan oo maanta ka dhacay Ex-koontarool Afgooye.
duhurnimadii maanta ayay Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dagaallameen Ex-koontarool Afgooye, kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada dagaallamay ay isku qabteen lacag laga qadayay Quri ku yaal agaasi, kadib markii Ciidamadii Guriga lacagta ka qadanayay ay kuwa kale oo iyana doonayay lacagta gurigaasi laga qadayay isku maan dhaafeen halkaasina ay ka dhalatay is rasaaseyn sababtay Dhimasho Iyo dhaawac.
Majirto Cid ka hadashay ilaa hada is rasaaseynta maanta dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya.
Dagaalka noocan oo kale ayaa caadi ka noqday Fariisimaha Ciidamada Dowlada kadib marka ay is qilaafaan oo aynanan jirin cid kala dhax gasha ama ciqaab marsiisa Sarakiisha Hogaamisa Ciidamada Dagaalamay.

