Al-shabaab oo Dhagax ku Dilay Gabar ay ku Eedeeyeen iney Soo Martay Laba Guur

0

Xarakada Al-Shabaab ayaa haweenay ku dilay magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kacday fal sino ah, maadama ay shegeen iney soo martay laba guur.

Xadkan oo ahaa Xaddu Zinaa waxaa lagu fuliyay Haweeney Zino ku dhacday oo horay Guur usoo martay waxaana goobta fagaaraha soo xaadiray bulshada ku dhaqan magaalada Saako,iyadoona Qaadiga Maxkamada uu goobta fagaaraha xukunka kaga dhawaaqay waxaa haweeneydaasi lagu dilay dhagax oo Rajmin ah. Sida Qaadiga AL-shabaab uu sheegay.

Haweyneyda Al-shabaab ay Xadka ku fuliyeen ayaa lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq oo ah hooyo Soddon Jir ah ayna sheegeen iney ku kacday Fal Zina ah,iyadoo nin uu qabo waxaana lagu dilay dhagax.

Goobta lagu fulinayay Xukunka Zinada ah ee lagu soo eedeeyay Xabiibo Cali Isxaaq oo Sodon jir aheyd ayaa waxaa ku sugnaa Hogaamiyaal katirsan Al-shabaab iyo Bulshada ku dhaqan Magaalada Saakow oo ay Gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.

Bishii May ee sannadkan ayaa degaanka Raama Caddey Al-Shabab waxay sidaasi oo kale dhagax ku dileen nin lagu magacaabi jiray Dhaayow Maxamed Xasan oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal Sino ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here