Al-shabaab oo Jilib kusoo bandhigay Meydadka Askar iyo Sarakiil katirsaneyd Jubbaland

0

Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa Al-Shabaab waxa ay ku soo bandhigeen ilaa 8 askari oo sarkaal sare kamid yahay lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa war ay ku soo qoreen Barta ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay afaafka hore ee deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 35KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo in ay ku dileed ilaa iyo 8 askari uu kamid yahay abaanduule ciidan

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu Sheegay inay weerar ku Dileen Saraakiil ay Magacyadooda ay ku Sheegeen Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Deegaankaa Buulo-gaduud Shiine, Taliye Horin Cabdi yare Farey iyo 8-askari oo kale.

Al-shabaab ayaa dhanka kale sheegay Taliyihii heystay ciidanka ku suganaa Buula-Guduud oo lagu Magacaabo Nuur Sheekh Xasan in uu ku dhawacmay dagaalka loona qaaday dhankaa iyo Magaalada Kismaayo oo Xarun ku meel gaar u ah Maamulka Jubbaland.

Majirto Cid Xaqiijin karta sheegashada Al-shabaab ee ku aadan iney dagaalkii ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo ku dileen ilaa 8 askari uu kamid yahay Abaanduule Ciiidan.

Xiriiro ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho la sameysay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday iney Faah faahino ka bixiyaan Sarkaalka iyo Ciidamada la sheegay in lagu soo bandhigay Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay Gacanta ku hayaan Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here