Dhageyso:-Ciidamada Dowladda Oo Ku Wajahan Saldhiga Weyn Oo Al-shabaab Ay leeyihiin

0

Mamulka Koofur Galbeed ayaa Sheegay inay Guulo-badan ka gaareen Dagaalo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool kuwaasi oo u dhexeeyey Ciidamada Koofur Galbeed iyo Al-shabaab.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Amniga Koofur Galbeed C/saaq Cabdi Aadan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay Ciidamada Koofur Galbeed ay la Wareegeen Deegaano Badan oo Al-shabaab ay uga Sugnaayeen Gobalka Bakool waxa uuna Xusay inay Dileen Tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Wasiir ku Xigeenk oo sii hadlayey ayaa Sheegay in Ciidamada Koofur Galbeed oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ay Diyaar u yihiin inay Dagaalka Sii Wadaan inta Al-shabaab ay ka Saarayaan Deegaanada Hoostaga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool, asagoo intaa Raaciyey inay Saacadaha soo socda ay la Wareegayaan Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Xudur.
Z0000003

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here