Deg Deg ;- Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay kolonyo katirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Lama oga Qasaaraha Rasmiga ee ka dhashay qaraxaan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro qasaare soo gaaray Ciidamada AMISOM ee Qaraxa lagul eegatay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Mana jirto ilaa iyo Iminka cid sheegatay mas,uuliyada Qaraxaan la sheegay in lala eegtay Kolonyo katirsan Ciidamada Amisom ee ku socdaalayay halkaasi.

Xiriiro Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay Saraakiisha Ciidamada Gobalka Shabeelada Hoose ayaa ka gaabsaday iney Faah faahino ka bixiyaan qaraxa la sheegay in lala eegtay kolonyada katirsan ciidamada amisom ee Ku socdaalayay Duleedka Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here