Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garad Cumar ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihhiin dadka qaba dhawacyada Qaraxii 14 bishan ka dhacy Magaalada Muqdisho, ee la geyay Dalka Sudan.
Wasiirka ayaa waxuu sheegay iney jireen cabashooyin ay qabeen qaar kamid ah Ehelda Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, balse hada la xaliyay.
“Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen, inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad.
“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum, Mahadi ha ka gaarto, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa.” Ayuu sidoo kale yiri Yuusuf Garaad.
Warbaahinada Soomaaliya ayaa hadal hayay maal mahaan in dhawacyadii loo Qaaday Dalka Sudan Xaaladooda Caafimaad laga soo deyrinaayo Maadaama La sheegay in la seexiyay Hospitaalo Dayacan oo aan laga war qabin waxa ay ku sugan yihiin.

