Raisulwasaare Kheyre oo Ka Baaqday Safar uu Ku Tagi Lahaa Dalka Turkey-ga

0
Ra,isal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar uu maalinta bari ah ku tagi lahaa Magaaladda Istabul ee dalka Turkey-ga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Raisul Wasaaraha uu baajiyay safarkiisa, sababo la xiriira musiibadii qaran ee dalka ka dhacday maalintii shalay aheyd.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka baaqday booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Turkiga, halkaasoo uu kula soo kulmi lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Dhanka kale Raisul Wasaare Kheyre ayaa taleefanka kula hadlay Madaxda Turkiga, isagoo u sheegay inuu baajiyay safarkiisa, waxaana berri lagu waday inuu Muqdisho ka raaco Diyaaradda Turkish Airlines.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan cali Kheyre ayaa magacaabay Guddiga isku xiri doona gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Kheyre ayaa sidoo kale wasiiradiisa ku amray in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo shacabkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here