Xildhibaan duraan cali jaamac oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo la hadlay idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxtooyada Galmudug ay soo buux dhafiyeen Maleeshiyo beeleed ka amar qaata madaxweynaha xilka laga qaaday ee xaaf.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadkaas ay xabsiga wali ku hayaan Madaxweyne ku xegeenka Galmudug Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xegeenkiisa, uguna hanjabeen dil Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Ee sida sharciga ah Xilka kaga qaaday Madaxweynaha Maamulkaasi.Wa sida hadalka uu u dhigay Xildhibaanka..
Dhageyso Codka Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo la hadlay Idaacada Simba ee M-Muqdisho

