Is rasaaseyn socotay mudo ayaa xalay ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya magalada Muqdisho gaar ahaan degmada dhakeynley.
Is rasaaseyntan ayaa waxa ay u dhaxeysay Ciidanka Xasilinta iyo Ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta oo halkaasi Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.
Inta la xaqiijiyay Waxaa ku dhintay 1 Qof Waxaana ku dhaawacantay 2 qof oo uu ku jiro Ninkii arooska ahaa oo dhaawiciisa daranyahay iyo Haweeney saarneed gawaarida arooska ah,sida ay idaacada Simba u sheegeen dadka deegaanka.
Ma jiraan ilaa iyo hada wax war oo ka soo baxay maamulka degmada dharkeynley ee gobalka Banaadir,kaasi oo ku aadan inay wax kala socdaan dhibaatada ka dhacday degmada iyo in kale.
Waxa caadi ka noqday degmooyinka Gobalka Banaadir in is rasaaseyni ay dhax marto Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo inta badan murankooda kadib dagaal uu dhaxmaro.

