Kenyaati usoo Safri Rabay Soomaliya oo Muddo Xabsi ah Lagu Xukumay

0

Dowlada Kenya ayaa muddo lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay ganacsadi dalkaasi u dhashay kaa oo doonayay si sharci darro ah in uu ugu soo talaabo dalka soomaaliya sida laamaha amaanka dowlada Kenya ay sheegeen.

Mr Samuel Omondi Otieno oo ah ganacsade 30 jir ah ayaa ka soo hor muuqday maxkamad magaalada mandera iyadoo lagu eedeenayo in si aan sharci aheyn ganacsigaasi uu ugu balaarinayay xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Mr Amwayi oo ah Taliska Gobalka ayaa ku eedeeyay wargelin la aan iyo qaab aan sharci aheyn oo uu soomaaliya ugu soo gudbayay waxaana uu amaanay ciidamadii booliiska ahaa ee gacanta ku soo dhigay xili uu ku sugnaa xadka u dhaxeeya labada dal soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa maxkamada magaalada Mandera ay sheegtay in uu xabsiga ka badbaadayo hadii uu bixiyo lacag dhan 100,000 oo shilinka kenyatiga ah.

Mr Samuel oo ah ganacsadaha xabsiga la dhigay ayaa sheegay in uu la shaqeynayay hay’adaha qaramada midoobe ee u qaabilsan barnamijka Cunnada ee WFP , hay’adda beeraha Ee FOA iyo hay’ado gaar ah oo laga leeyahay dalka Kenya waxaase maxkamaddu ay sheegtay in cadeemaha uu wato aaney aheeyn kuwa lagu rumeysan karo sheegashadiisa.

Waxaa ugu dambeyntii maxkamada ay soo bandhigtay cadeemo ku saabsan ganacsigiisa oo ay sheegtay in uu soomaaliya u gudbin jiray biraha al xanka iyo qalabka farsamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here