Carruur iyo macallin oo dab uu ku dilay Brazil

0
A house is engulfed in flames as firefighters attempt to put it out during the Valley fire in Seigler Springs, California on September 13, 2015. The governor of California declared a state of emergency Sunday as raging wildfires spread in the northern part of the drought-ridden US state, forcing thousands to flee the flames. The town of Middletown, population 1,300, was particularly devastated by the Valley Fire, according to local daily Santa Rosa Press-Democrat, which said the fire grew from 50 acres to 10,000 over just five hours Saturday -- before quadrupling in size overnight. AFP PHOTO/JOSH EDELSON (Photo credit should read Josh Edelson/AFP/Getty Images)

Ugu yaraan afar carruur ah iyo macallin ayaa waxa ay ku dhinteen dalka Brazil kaddib markii nin ilaalo ka ahaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taal magaalada Janauba ee gobolka Minas Gerais ee waddankaasi uu halkaasi dab qabadsiiyay.

Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 kale ay weerrarkaasi dabka ah ku dhaawacmeen aroornimo hore.
Muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa muujisay dad badan oo isugu yimid banaanka hore ee xarun caafimaad, hooyo qeylineyso oo ka niyad jabsan xaalada caafimaada ee ilmaheeda.

Sida ay sheegeen saraakiisha, mid ka mid ah ilaalada xanaanada carruurta ayaa waxa uu ku daadiyay aalkolo qaar ka mid ah caruurta iyo isagaba, Kadibna dab qabadsiiyay.

Si la mid ah carruurta, ayaa qaar ka tirsan dadkii waa weynaa ee ka shaqeynayay xanaanada carruurta ay sidoo kale ku dhaawacmeen dabkaan.
Madaxweynaha Brazil Michel Temer, ayaa ku sheeegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka inuu si weyn uga xun yahay musiibadii dhacday, isga oo tacsi u diray ehelada dadkii waxku noqday dabkaasi.

Mr Temer Waxa uu intaasi raaciyey in isaga qudhiisa ka aaba ahaan uu fahamay in musiibadan ay ahayd mid aad u xanuun badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here