Madaxa xiriirka dadweynaha ee xafiiska madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Madoobe Mohamed Ahmed Sabriye ayaa bartiisa twitter-ka kusoo bandhigay Magaca iyo sawirka wiil dhalinyaro ahaa oo uu sheegay in uu ahaa ninkii isku qarxiyay Kasoo Horjeedka Masjidka Xaaji Jaamac Ee Xaafada Farjano ee Magalada Kismaayo.
Mohamed Ahmed Sabriye waxa uu sheegay in ninkaas uu kamid ahaa dhalinyarada sida weyn loogu yaqaanay magaalada kismaayo ee caasimada KMG ah ee Maamulka Jubba-land islamarkaana aan la aqoonin sababta ku dhalisay isqarxinta.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay ninkii isa soo miidaamiyay sida goob-joogayaal ay u sheegeen daacadda Simba ee magaalada Muqisho
Magaalada kismaayo ee caasimada KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa waxaa si weyn loo adkeeyaa amaankeeda waxayna ka caagan tahay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee dalka ka dhaca.


