Donald Trump oo Kordhinaya Weerarada Xarakada Al-Shabaab

0

Jariidadda New York Times ayaa qortay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu doonayo inuu ballaadhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, iyo inuu khafiifiyo sharciyo uu dejiyey madaxweynihii hore Barack Obama oo loogu talogalay in lagu yareeyo khasaaraha soo gaadha dadka rayidka ah.

Jariidadda New York Times ee dalka ayaa sidoo kale qortay in laga yaabo in qaybo ka mid ah dhulka Al-Shabab gacanta ku hayso in Madaxweynaha dalka mareykanka Trump u aqoonsado goobo dagaal, oo aysan nabad ka jirin.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa tilmaamay in Dowladiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaalka loogu soo horjeedo Al-shabaab oo haatan saameyn weyn qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili taliska Mareykanka ee qaaada afrika uu dhawaan sheegay in laga cabsi qabo in al-shabaab ay dib u qabsadaan magaalooyin waa weyn waa marka ay Ciidamada AMISOM ay soomaliya ka baxaan sanadka 2018-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here