Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magacyada mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka waa sida ay sheegeen ee lagu dilay laguna dhaawacay weerarkii barqanimadii maanta lagu qaaday Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.
Warbaahinta rasmiga ah ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in saraakiil ciidan iyo xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaanka Dowladda Federaalka -ka Soomaliya ee lagu dilay qaraxii maanta.
Saraakiisha ku dhintay Qaraxan Waxaa Ka Mid ah:-
1-Jenraal ka tirsan hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ‘Nabad sugidda’ oo lagu magacaabo Maxamed C/Raxmaan.
2-Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha Dowladda Soomaliya.
3-Nin kale oo lagu magacaabo Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada military-ga dowladda Federaalka.
4- Nin magaciisa lagu soo koobay Nuur Kuuloow oo ka mid ah shaqaalaha Golaha baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaawac halis ah ku noqday qaraxaas.
Xildhibaano Hore oo lagu dilay Qaraxii Hoteel Wehliye
Ex-Xildhibaan Xasan Cumar ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa.
Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ahaa dadka lagu dilay Qaraxa.
Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Leesto oo sidoo kale ah Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Dowladda ayaa isna dhaawac halis ah ku noqday qaraxa.
Cabdullaahi leesto ayaa ah nin ay in muddo ah doon-doonayeen Ciidamada Xarakada Shabaabul kuna lug lahaa duqeyntii lagu dilay Sheekh Sahal Camow oo horaantii sanadkii 2014-ka diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen Shabeelaha hoose ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxii Hoteel Wehliye.
Leesto ayaa xiriir dhow lalahaa sirdoonada caalamiga ah ee wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.
NB:-Qoraalka waa sida lagu daabacay Warbaahinta Al-shabaab

