Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo galabta la hadlay laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa ugu baaqay dowladda Dhexe ee Soomaliya in dhaqaalaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya in loogu gurmado Abaaraha.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo horjeystay hadal kasoo baxay gudoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jaawaari) kaasi oo ahaa in dhaqaalaha laga qaado murashixiinta 50% lagu taageeridoono gurmadka Abaaraha Soomaaliya, Wuxuu sheegay madaxweyne Gaas dhaqaalahaasi inuusan waxba ka tari Karin culayska Abaaraha ee xiligaan ka jira Gobolada dalka Soomaliya.
“Waxaan ka digaynaa masiibada ka dhalan karta haddii dhagaha laga furaysto baaqa aan maalinta caalamka udirayno,” ayuu yiri madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Gaas oo galabta wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA.
Dhawaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ansixiyay in 50% laga jaro dhaqaalaha laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

