Waxaa degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose kulan kuwada qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada amisom iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Deegaanka Leego.
Gudoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar C/laahi isaaq ayaa u sheegay idaacadda Simba in kulan diirada lagu saarayay sida loo qaadi lahaa isbaarooyin yaala duleedka deegaanka leego oo uu tilmaamay in ay dhigteen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in haatan uu soconayo qorshe ka dhan ah burcada isbaarooyinka dhigtay deegaanka leegow adooyinka soo gala.
Abuukar C/laahi isaaq ayaa hadalkiisa intaasi k sii daray in deegaanka aysan jirin gadiid maalmahan gudaha u galay isagoona arrintaa sabab uga Dhigay in ibraaooyin daadsan hareeraha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Halkaan ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

