Dhageyso:- Saraakiisha Puntland “Waxaa jira dad aan danbiyo laheyn oo ku xiran Saldhigyada Gobolka Bari”

0

Taliye ku-xigeenka qaybta  boliska  gobolka Bari Axmed Abshir Axmed (jaraale) ayaa sheegay in ay jiraan dhallinyaro aan danbiyo laheyn islamarkaana ku xiran ama lagu hayo saldhigyada ciidamada puntladn ay ku leyihiin gobolka bari.

Taliyaha ayaa raali gelin ka bixiyay dhallinyaro uu sheegay in iyaga oo goobo waxbarasho u socda ama ka yimaada in howlgalada lagu qabto kuwaa uu sheegay in danbi in aysan gelin.

Sidoo klae Axmed Abshir Axmed (jaraale)  ayaa sheegay in shaabka ay tix gelin u hayaan balse xaalada amaan ee lagu jiro ay kalifeyso in dadka denbiyada gala iyo kuwa aan gelinba ay isku dhex milmaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here