Dhageyso:- Dad Lagu Tuhmayo Qarixi Degmada Jalalaqsi Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

0

Xili gelinki danbe ee shaley uu qarax Miino uu ka dhacay Degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan ayaa dhinaca kale qaraxa kadib waxaa ka bilowday Degmada howgalo lagu xaqiijinayo amaanka laguna baaid goobayo dadki ka danbeeyay qaraxaasi.

Gudoomiye ku Xigeenka  Degmada Jalalaqsi  Ibraahim  Madoobe Nuur oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Marki ugu horeysay ay tahy in qaraxa uu ka dhaco degmadaasi waxa uuna tilmaamay in lagu raad joogo dadka qaar oo uu sheegay in xogta qaraxa ay hayeen.

Ibraahim  Madoobe  Nuur  ayaa sheegay  in Gacanta lagu hayo  shaqsiyaad uu sheegay in la qabtay qaraxa kadib islamarkaana lagu qabtay meelo aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Gudoomiye ku Xigeenka  Degmada Jalalaqsi  ma uusan tilmaamin tirade dadka ay hayaan balse qarixi shaley ka dhacay Degmada waxaa ku dhintay hal qof iyadoona ay ku dhaawacmeen sadex kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here