Waxaa saakay degen xaalada Tuulada Dudun oo ay shaley ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dad xoola dhaqato ah islamarkaana ka soo jeeda deeganada puntland.
Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno tuulada Xanan oo hoostimaada deegaanka Dudun ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inay socdaan dedaalo dheeraad ah oo lagu xallinayo dagaal kadhacay halkaasi.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Puntland iyo DDSI ayaa ku howlan sidii ciidanka labada dhinac loo kala kaxayn lahaa guud ahaan islamarkaana dagaalkii shalay uusan usoo laaban lahayn.
Iska hor imaadkaan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay deegaankaasi uu maamulka gobolka Mudug ka taagay calanka Soomaaliya iyo midka Puntland islamarkaana laga dhigax dhigay xarumo caafimaadka, saldhig boolis iyo ceelbiyood.

