Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle loogu dhawaaqo Musharaxiinta xubnaha Aqalka sare ee Maamulkaas, waxaana la filayaan in liiska ay kasoo muuqdaan xubno siyaasiyiin ah oo kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Liiska maanta lagu dhawaaqayo ee xubnaha aqalka sare ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa lagu wadaa In uu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu dhawaaqo,iyadoo doorashada xubnaha aqalka sare ay ka dhici doonto Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo tan iyo markii loo doortayxilka Madaxweynaha, waxaa uu isaga daba-laabanayay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kulamo kula lahaa Madaxda dowladda, iyadoo arrinta ugu weyn ee kulamadaas looga hadlayay ay aheyd Aqalka sare.
Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa marka ay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaan liiska Musharaxiinta xubnaha aqalka sare waxaa lagu wadaa in maalinta berri ay xubnaha musharaxiinta Aqalka sare ka Hir-jeediyaan Xildhibaanada khudbadahooda, iyadoo maalinta Isniinta ay dhaceyso doorashada.
Horey waxaa liiska Xildhibaanada Senate-ka ee ku matalaya Aqalka sare, usoo gudbiyay maamulada Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaa harsan xubnaha aqalka sare ee Somaliland ka imaanaya kaasoo aan wali la shaacin habka ay u dhaceyso doorashada

