Sarkaal La Sheegay inuu ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Degmada Waabari

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay gudaha degmadaas ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Magaca Sarkaalkaan ayaa lagu soo gaabiyay Ismaaciil waxaana lagu dilay agagaarka Suuq-yaraha Sargaduuda ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida dad halkaas ku sugan ay u sheegeen idaacada simba.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo halkaas ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa ku waramaya in  Ala Ha u Naxaiistee Ismaaciil uu ka mid ahaa milkiilayaasha mid ka mid ah Shirkadaha luuqada Soomaaliga ku Turjuma aflaamta Hindiga taasoo lagu magacaabo ISMAYUU,

Ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada dilkaan, iyadoo dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay ay dilal qorshaysan ay ka dhaceen gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here