Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda federaalka u gudbiyey Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), iyagoo ka cabanaya xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyo xaaladda curyaamisay shaqadii hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka.
Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ayaa 18-kii bishan Nofeembar soo saartay ogeysiis rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya ku siisay 45 maalmood inay kaga soo jawaabto dacwadda, taas oo ay garsoorayaashu ku dalbanayaan in dib loo eego tallaabooyinkii laga qaaday hoggaanka garsoorka iyo caqabadaha hortaagan madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.
Garsoorayaasha dacwadda gudbiyey ayaa kala ah Baashe Yuusuf Axmed, Saalax Sheekh Ibraahim Diblow, Cabdulqaadir Idiris Ciise, Dr. Abubakar Axmed Cali, Dr. Cabdifataax Xuseen Isaaq iyo Cabdicasiis Maxamed Yuusuf.

