Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu mucaaradka ugu tago guryahooda

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay diideen martiqaadkii dowladda ee wada-hadalka, isaga oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay kulamo la yeelato, xitaa haddii ay noqoto in mucaaradka ugu tagaan guryahooda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay mucaaradka ku casuuntay xarumaheeda iyo xafiisyadeeda, balse ay diideen inay yimaadaan, isaga oo xusay inaysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan in dhinacyadu wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed.

 

“Guryaha dowladda, xafiisyada dowladda iyo goobaha kale ee ay dowladdu joogto waan ku martiqaadnay. Haddii aysan noo imaanaynna, guryahooda gaarka ah inaan ugu tagno ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here