Soomaaliya oo hiigsanaysa xubinnimada WTO sanadka 2029, iyadoo raadineysa suuqyo caalami ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hiigsanayso inay sannadka 2029 xubin ka noqoto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), iyadoo waddo dadaallo lagu dhammaystirayo shuruudaha sharciyeed iyo wada-xaajoodyada looga baahan yahay xubinnimada ururka.

Madaxa Wada-xaajoodka Ganacsiga Soomaaliya, Saadiq Xaaji Ibraahin, oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dowladda ay rajaynayso inay labada ilaa saddexda sano ee soo socda ku dhammaystirto waajibaadka uga harsan hannaanka ku biirista.

 

“Waxaan rajeyneynaa inaan dhammaystirno ku biiritaankeenna ilaa 2029-ka. Waa yool adag, laakiin dadaallada dowladda iyo saraakiisha socda awgood, waxaan rajeyneynaa inaan ku dhammaystirno waajibaadka naga harsan labada ilaa saddexda sano ee soo socota,” ayuu yiri Saadiq.

 

Dadaalladan ayaa dardar yeeshay kaddib booqasho shaqo oo wafdi ka socday WTO iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC) ay ku yimaadeen Muqdisho intii u dhexeysay 10-kii iyo 15-kii Oktoobar, halkaas oo ay saraakiisha dowladda kala shaqeeyeen diyaarinta dukumentiyada iyo qiimeynta shuruudaha xubinnimada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here