Ugu yaraan sagaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen isku dhacyo u dhexeeya bulshooyinka Oromada iyo Soomaalida ee magaalada Moyale ee ku taalla xadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ka wadaago Kenya, halka kumannaan qofna ay ka barakaceen guryahooda, iyaga oo ka gudbay xadka Kenya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Isku dhacyada ayaa la sheegay inay ka dhasheen muran la xidhiidha calanka dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga taagay deegaanka Kebele 02, oo ah aag maamul oo ay isku hayaan dowlad-deegaannada Oromiya iyo Soomaalida.
Wararka deegaanka ayaa sheegaya in xiisaddu ay sii xoogaysatay 18-kii Oktoobar 2026, markii ay isku dhaceen labada bulsho, iyadoo gabar 13 jir ah oo lagu magacaabo Diqqoo Jaataan Aagaa ay ku dhimatay dhacdadaas. Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo deegaanka ayaa ku kala duwan sida ay gabadhu u dhimatay, iyadoo qaar ay ku eedeeyeen booliska dowlad-deegaanka Soomaalida inay toogteen, halka kuwo kalena ay sheegeen inay ku dhimatay rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

