Mareykanka oo caddeeyay in Xasan Daahir Aweys aan laga qaadin cunaqabateynta

0

Dowladda Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameysay liiska cunaqabateynta, iyadoo ka saartay 84 qof iyo hay’ado ka mid ahaa in ka badan 17,000 oo diiwaan oo ku jiray nidaamka cunaqabateynta.

Waaxda Hantida Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe lagu nadiifinayo laguna casriyeynayo liiska, si loo yareeyo culayska ka haysta bangiyada iyo hay’adaha maaliyadda ee hubinta dadka iyo hay’adaha saaran cunaqabateynta.

 

Dib u habeynta ayaa isugu jirtay ka saarista diiwaanno duugoobay, dad geeriyooday iyo hay’ado aan hadda jirin, iyo sidoo kale mideynta magacyo si khalad ah ugu qornaa liiska wax ka badan hal mar.

 

OFAC waxay sheegtay inay isku dartay 18 diiwaan oo is-dul saarnaa si loo fududeeyo baaritaannada ay sameeyaan hay’adaha maaliyadda, loona hubiyo in liiska uu noqdo mid sax ah oo hufan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here