Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay waxa uu ku tilmaamay in ciidamada iyo hay’adaha amniga loo adeegsanayo loollan siyaasadeed oo ka dhan ah dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku baaqay in la joojiyo tallaabooyinka uu sheegay inay khatar ku yihiin xasilloonida dalka.
Bayaan uu goluhu soo saaray ayuu ku eedeeyay maamulka madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo abaabul maleeshiyaad iyo hurinta xiisado amni oo ka socda Puntland. Golaha ayaa sheegay in arrintan ay ku soo beegmeyso xilli Puntland ay dagaal kula jirto kooxda ISIS, isla markaana ay guulo ka gaartay howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi.
Goluhu wuxuu sheegay in hurinta colaado cusub ay halis gelin karto guulaha laga gaaray la dagaallanka ISIS, isla markaana ay wiiqi karto dadaallada ay Puntland iyo saaxiibbada caalamiga ahi ku wajahaan argagixisada.
Sidoo kale, bayaanka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay hore ciidamo iyo hub ugu adeegsatay howlgallo ka dhan ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin mucaarad ah, halkii loo adeegsan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Golaha ayaa intaas ku daray in dalka uu weli wajahayo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada iyo kala-guurka dowladda.

