Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay awood u leedahay inay muddo kooban ku gaarto isku filnaansho dhaqaale, haddii la helo dowladnimo xooggan iyo hay’ado dowladeed oo si hufan u shaqeeya.
Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasabad lagu furayay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qiray in ay jiraan caqabado gudaha iyo dibadda ah, isla markaana dowladda ay jiraan dhinacyo ay ka gaabisay, oo ay ka mid yihiin maamulka, maaliyadda, garsoorka iyo wax-soo-saarka.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay dhul beereed ballaaran, laba webi iyo laba xilli-roobaad sanadkii, balse ay weli ku tiirsan tahay gargaar caalami ah iyo raashin dibadda laga soo dejiyo.
“Alle nama uusan yareyn nimcada, annagaa is-hor taagnay, annagaa diidnay inaan soo saarno waxa aan cuneyno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

