Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo cusub oo markale xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka bakool
Diyaaadaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ee mareykanka ayaa waxa lagu soo waramayaa in duqeymo horleh ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka bakool
Waxaana duqeymahani la sheegay in laga fuliyay deegaanada kala ah Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka bakool
Duqeymahani ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday deegaano iyo xarumo ay kusugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
Ciidamada mareykanka howlgalka afirika oo kaa shanaya saraakiil ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxa la sheegay in sacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo khasaare geeystay ay ka fuliyeen deegaanadaasi gobolka bakool
Saraakiisha maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha cusub ee ka dhacay deegaano ka tirsan bakool ay qasaaro ugu geysteen al-shabaab islamarkaasna ay ku dileen xubno iyo saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
Waxaana ay intaasi ku dareen in ujeedka howlgalkaani duqeynta ah uu ahaa sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda dagaalamayaasha al-shabaab iyagoona sheegay in duqeymahani ay siid wadi doonan inta al-shabaab ay ka saarayaan deegaanada dhaca gobolka bakool
Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo ka tirsan gobolka bakool waxaana mamaulka koonfur galbeed ciidamada dowladda iyo kuwa mareykankuba ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal deegaanadaasi gacantooda ka maqan ay dib ugu soo celinayaan gacanta dowladda
Shelay maamulka koonfur galbeed warkasoo baxay waxa ay guulo uga sheegteen duqeymo Habeeen ka hor ka dhacay deegaano hoosta degmada xudur ee gobolka bakool
Deegaanadaasi oo uu ka mid yahay deegaanka ma,moodow oo qiyaastii 40 km u jira degmada xudur ee xarunta gobolka bakool

