Duqeymo Horleh Oo Laga Fuliyay Deegano Ka Tirsan Gobolka Bakool

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  duqeymo cusub oo markale xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka bakool

Diyaaadaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ee mareykanka ayaa waxa lagu soo waramayaa in duqeymo horleh ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka bakool

Waxaana duqeymahani la sheegay in laga fuliyay deegaanada kala ah Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka bakool

Duqeymahani ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday deegaano iyo xarumo ay kusugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Ciidamada mareykanka howlgalka afirika oo kaa shanaya saraakiil ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxa la sheegay in sacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo khasaare geeystay ay ka fuliyeen deegaanadaasi gobolka bakool

Saraakiisha maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha cusub ee ka dhacay  deegaano ka tirsan bakool ay qasaaro ugu geysteen al-shabaab islamarkaasna ay ku dileen xubno iyo saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Waxaana ay intaasi ku dareen in ujeedka howlgalkaani  duqeynta ah uu ahaa sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda dagaalamayaasha al-shabaab iyagoona sheegay in  duqeymahani ay siid wadi doonan inta al-shabaab ay ka saarayaan deegaanada dhaca gobolka bakool

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo ka tirsan gobolka bakool waxaana mamaulka koonfur galbeed ciidamada dowladda iyo kuwa mareykankuba ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal deegaanadaasi gacantooda ka maqan ay dib ugu soo celinayaan gacanta dowladda

Shelay maamulka koonfur galbeed warkasoo baxay waxa ay guulo uga sheegteen duqeymo  Habeeen ka hor ka dhacay deegaano hoosta degmada xudur ee gobolka  bakool

Deegaanadaasi oo uu ka mid yahay deegaanka ma,moodow oo qiyaastii 40 km u jira degmada xudur ee xarunta gobolka bakool

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here