Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf qasriga madaxtooyada ugu sameeyey safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo Somaliland u joogay la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maanta furmi doona.
Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey safiirrada, diblomaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qoraayada ka socda dalal ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida, khudbadana ay ka jeediyeen aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, qaar kamid ah safiirrada Somaliland ee dalalka caalamka, aqoonyahanno iyo qoraayo reer Somaliland ah iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynuhaha Somaliland waxa uu ku dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqaranka Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu jawaab cad ka bixiyey guddi ay Dowladda Soomaaliya u magacowday wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
“Maalmahan waxa jira guddi ay magacowday dawladda Soomaaliya oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha Dowladda Soomaaliya kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga.
“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

