Faah-faahin;-Dhalinyaro Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa labo wiil oo dhalinyaro ahaa waxa ay ku dileen Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay labadda wiil oo magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil  BK iyo Maxamed.

Labadda dhalinyaro ee goobta lagu dilay ayaa la sheegay in ay halkaas ku lahaayeen, Studio iyo Photo sawiradda lagu galo.

Goobta uu falka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaiya,waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka fuliyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here