Xildhibaan Maxamed Xussen Isaaq (Afraale) oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Kulankii Baarlamaanka maanta ka sheegay in Al-shabaab ay iskugu yeereen Ergadii soo dooratay Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaan Afraale ayaa Sheegey in Ergadii Soo dooratay ay Al-shabaab uga yeereen Deegaanka Iidaale Ee Gobalka Baay kuwaasi oo aan la ogeyn Xukunka ku dhicidoona.
Xildhibaanka ayaa Dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay ka hortagto Eragada Isku dhiibeysa shabaab ka dib markii al-shabaab ay kordhisay ugaarsiga ay ku hayeen Odayaashii Xildhibaanada Soo dooratay.

