Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari ku xirnaa oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Digfeer Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.
Ciidamada Amniga, gaar ahaan ciidanka Policeka Gobolka Banaadir, ayaa ka hortagay Qaraxa.
Gaariga ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu soo dhaafo mid kamid ah Jidadka Xiran balse uu ka gudbi waayay ka dibna Ciidanka ayaa gaaray goobta yaalay.
Ciidanka ayaa isku dayay in nolosha ay ku qabtaan qofka gaariga waday oo la sheegay in uu gaariga isku xiray ugu dambayna uu isqarxiyay.
Qaraxa ayaa burbur xoogan u geystay dhismayaal ku yaala isgoyska Digfeer Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir,balse wali lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.






