War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax Gaari ku xirnaa ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Digfeer Degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa meesha la soo dhigay subaxnimadii hore ee saakay,waxaana wadadda xiray Ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya oo ka shakiyay,waxayna ka banjariyeen taayaradda.

Sidoo kale waxa ay sheegeen goobjoogayaasha in ciidamadda ay xabado rideen kuwaasi oo dadka loogu sheegay in gaari qarax loogu shakiyay uu goobta yaalay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labo ruux ay gaari saarnaayeeen kuwaasi oo diiday in ay kasoo dagaan.

ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here