Al Shabaab oo Dil Ku Fuliyay 3-askar oo ka Tirsanaa Dowladda iyo Haweeney

0

Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku fuliyay askar ka tirsaneyd Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,Haweeney ay sheegeen in basaas u aheyd kenya iyo Nin horey guur usoo maray balse Zino galay.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmada Jamaame ee Jubbada Hoose.

1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse xoogagga Al Shabaab ayaa ku qabtay weerar ka dhacay degmada Afgooye.

  1. Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah wuxuu katirsanaa maamulka degmada Diinsoor ee ciidamada Itoobiya ay dhiseen, Ninkan da’da ah ayaa howl muhiim u hayay Itoobiyaanka balse Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah ku qabatay.

3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxay u shaqeynaysay Sirdoonka dowladda Kenya waxayna deganeed degmada Mandheera waxay dowladda Kenya uqaabilsaneed la socodka dhaq dhaqaaqa Shabaabka ka howlgala gudaha Kenya.

4-Nuur Bakar Diiroow oo horay guur usoo maray ayaa kufsaday Gabar lagu magacaabo Xaawo Cabdi Muuse oo 16 sana jir ah, Ninkaan Zinada galay ayaa dhagax lagula dilay Jamaame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here