Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku fuliyay askar ka tirsaneyd Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,Haweeney ay sheegeen in basaas u aheyd kenya iyo Nin horey guur usoo maray balse Zino galay.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmada Jamaame ee Jubbada Hoose.
1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse xoogagga Al Shabaab ayaa ku qabtay weerar ka dhacay degmada Afgooye.
- Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah wuxuu katirsanaa maamulka degmada Diinsoor ee ciidamada Itoobiya ay dhiseen, Ninkan da’da ah ayaa howl muhiim u hayay Itoobiyaanka balse Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah ku qabatay.
3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxay u shaqeynaysay Sirdoonka dowladda Kenya waxayna deganeed degmada Mandheera waxay dowladda Kenya uqaabilsaneed la socodka dhaq dhaqaaqa Shabaabka ka howlgala gudaha Kenya.
4-Nuur Bakar Diiroow oo horay guur usoo maray ayaa kufsaday Gabar lagu magacaabo Xaawo Cabdi Muuse oo 16 sana jir ah, Ninkaan Zinada galay ayaa dhagax lagula dilay Jamaame.

