Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Yariisow ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay u dhaqanto waxa uu ugu yeeray xaasidnimo.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in weligeed Gobolka Banaadir Maamuli jirey caafimaadka aas aasiga iyo buugga caafimaadka,balse haatan ay arintaas ka masaeertay wasaaradda caafimaadka.
“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqan gelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

