Shabaab oo Toogtay 3-askari oo Ka Tirsanaa Dowladda iyo Nin Sixiroole ahaa

0

Al-shabaab ayaa Xukuno dil ahaa ku fuliyay afar askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukunadaan ayaa ka kala dhacay Gobolada Shabeelaha hoose iyo Jubooyinka ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Fagaare kuyaal degmadda Kurtun Waareey ee Shabeelaha Hoose ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay illaa sedax askari oo katirsanaa ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo Al Shabaab ay ku qabatay howlgallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Shabaab ee Shabeelaha Hoose ayaa meel fageere ah ka aqriyay xukunka lagu riday askarta.

Ragga dilka lagu xukumay ayaa kala ah amiin Tifoow oo 23 sana jir ah wuxuu ahaa askari katirsan ciidanka dowladda , Muxiidiin Max’med Cabdi Raxiin oo 36 sana jir ah, Cabdi Wahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah .

Dhanka kale Maamulka Shabaab ee magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe waxa ay xukun dil ahaa ku rideen nin ay sheegeen In uu saaxir ahaa.

Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo 35 sana jir ah ayaa fagaaraha weyn ee Bu’aale lagu dilay, qaadiga maxkamadda islaamiga ah aya sheegay in ninka uu dadka  ku diri jiray Jiniga isla isaga ayaana ka saari jiray Jiniga wuxuuna ka qaadan jiray lacago farabadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here