Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalalka Caalamka kaga digtay in ay xiriir toos ah ay la yeeshaan Maamulka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan aan caadi aheyn Xerada Xalane kula qaatay Safiirada dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya.
Shirka jaraa’id oo uu Wariyeyaasha u qabtay markii uu kulanka soo dhamaaday ayuu sheegay in safiirada uu la kulmay uu la wadaagay in Guinea ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay caqabad ku tahay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxaa uu sheegay iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida Soomaaliya, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.
Axmed Ciise Cawad wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa xusay in madaxda Somaliland ay horay u tageen dalal kale islamarkaana dalalkaas ay raalli gelin ka bixiyeen khaladka ka dhacay,sida Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu Caalamka ugu baaqay wasiirka in cidkasta oo la xiriireysa Somaliland ay muhiim tahay in ay soo marto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.

