Dowladda Cuba oo Al-Shabaab Kala Hadashay Sii Deynta Dhaqaatiir  

0

Dowladda Cuba ayaa wada dadaalo ku aadan sidii gacanta Al-shabaab loogu sii deyn lahaa dhaqaatiir u dhashay dalkeeda oo laga soo afduubtay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Jose Angel Portal, wasiirka Caafimaadka Cuba oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa marka hore sheegay in ay caafimaad qabaan dhaqaatiirta shabaab gacanta ku hayaan,islamarkaana lasii deyn doono.

Waxa uu sheegay in ayagoo kaashanaya Dowladda Kenya ay shabaab kala hadleen sidii loo sii deyn lahaa dhaqaatiirta Cuba,islamarkaana qorshaaas uu meel fiican marayo.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya kasoo afduubtay dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba,waxayna doonayaan lacago madax furasho ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here