Taliyeyaasha Milatariga, Booliska iyo Asluubta oo Ku Wajahan Dhuusa-mareeb

0

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa saakay ku wajahan Taliyayaasha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacadaha soo socda gaari doona Magaaladaasi.

Sababta ka dambeysa in taliyayaasha ay gaaraan magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay Heshiiska Ahlusuna iyo Dowladda Soomaaliya oo lagula wareegayo Ciidamadda Ahlusuna si loo qarameeyo.

Sidoo kale Taliyayaasha ayaa la wareegaya xarumaha Ciidamadda Ahlusuna ee Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooamaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo Maamulka Ahlusuna ayaa ku heshiiyay in amniga Magaaladda Dhuusa-mareeb lagu wareejiyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here