Al-shabaab oo Qarax La Beegsaday Taliye Cawil Nuur Rooble (Cawil Tubaako).

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax galabta uu ku dhaawacmay taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble (Cawil Tubaako).

Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa oo lagu xiray Gaari Nooca Soomaaida u taqaano Noha-da uu ku dhaawacmay taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee Gaalkacyo.

“Al-shabaab ayaa magaalada Gaalkacyo qarax kula beegsaday Taliyaha maamulka  Galmudug ugu magacaaban Booliska Koonfurta Gaalkacyo”ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca gaaray Taliya Nuur Tubaako uu yahay mid garaab ah waxaana loola cararay mid kamida Isbitaallada waaweyn ee magaalada Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here