Guddiga Xal u helidda dhacdadii ka dhacday Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa war kasoo saaray baaritaano ay sameeyeen.
Guddiga ayaa soo saaray 5-qodob oo ku saabsan baaritaanka ay ku sameeyeen dadkii kasoo jeeday deeganadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu laayay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo Galmudug.



