Ra’iisalwasaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bulshada magaaladda dhuusa- mareeb ayaa waxgaradka iyo bulshada galmudug ku booriyay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada galmudug iyo Somaliya oo dhan.
Ra’iisalwasare khayre ayaa bulshada dhusamareeb u sheegay midnimada iyo dowladnimadu inay qayb ka tahay hormarka.
Ra’iisalwasaare kheyre ayaa ka hadlay boqashada uu ku marayo galmudug, isagoo sheegay in lagu taliyay markii uu xamar ka tagayay inuusan aadin galmudug, sababo laxiriira inaysan galmudug heshiinaynin.
Khayre ayaa dadkaas ku tilmaamay inaysan waxba ka garaneeynin dadka reer galmudug.
Dhanka kale Raisulwsaare Kheyre ayaa Sheegay in Hey’adda Amniga dowladda Federaalka ay sugayaan amniga Dhuusamareeb.
Ra,iisalwasasre khayre ayaa boqasho ku maray deegaano iyo dagmooyin ka tirsan galmudug, madaama dowlada somaliya ay doonayso inay doorasho ka dhacdo deeganada galmudug.

