Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb Iyo Gaalkacyo oo labaduba Kawada Tirsan Gal-Mudug waxaa Ka dhacay weeraro lagu dilay dad aan waxba galabsan ee kasoo Jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Intaas kadib dawladda Soomaaliya ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u dirtay Magaaladda Gaalkacyo si wax badan Looga ogaado waxa ay salka ku hayey dilkaasi.
Xildhibaan Maxamed Cuumar Dalxa oo kamid ah Baarlamanka aqalka hoose re dalka deegaan Doorashadiisuna Tahay Koonfur Galbeed oo la hadlay idaacadda simba ayaa ka digay in la siyaasadeeyo kiiska Dadkii lagu laayey Magaaladda Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay in falka uu dhacay, balse loo baahan yahay in la xaliyo.

