Maareeye:-“Madaxdii Dalkaan Soo Martay Burbur Ayay u Horseedeen”,+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Yayir Maareeye oo ah gudomiyaha Guddiga qabanqaabada todobaadka xoriyada Soomaaliya, oo ka hadlayay munaasabadda lagu xusayay 1 luuliyo ayaa sheegay inuu dalka Soomaaliya uu soo maray marxalado kala duwan.

Wasiir maareeye ayaa tilmaamay inay sababta waqtiga burburka dheeraysay ay tahay maamul xumo ay hogaan u ahaayeen madaxdii kala duwaneed ee dalka hogaanka u qabanayay.

Waxuu sheegay 59 sano ka hor dalkan inuu qaybiyay oo qabyeeyay heryadii gumaysiga, intaa kadibna dalku uu marxalado kala duwan soomaray,dalkuna waqtigaan uu cagta saaray marxaladd horumarineed.

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid si dadban uu ugu amaanayay waxqabadka dowladda uu ka midka yahay wasiir mareeye.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here