Booliska oo Qabtay Nin Hoteel ku Yaala Muqdisho Ku Dilay Hooyo Suleeqa!

0

 

Taliska Ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan dilka Haweeney lagu dhex dilay Hoteel Caamir ee ku yaala Isgoyska Baar Ubax.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Generaal Zakia Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshadda ayaa sheegtay in howlgal la sameeyay uu fudueeyay qabashadda ninkaan oo baxsadd ahaa.

Ninka lagu tuhmaayo dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed ayaa lagu magacaabaa Bishar Abdirisaq Maxamed.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed (hoos ku masuwaran) falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaal degmada Howlwadaag.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here